Qorilugud News Media

Abdirashiid Xasan Mataan Oo Lagaga Baxay Lacagtii Loogu Balan Qaaday Iyo Muraara Dilaaca Haysta

0
Sunday September 03, 2017 - 10:07:16 in Maqaallo by Reporter Burco
  • Visits: 117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abdirashiid Xasan Mataan Oo Lagaga Baxay Lacagtii Loogu Balan Qaaday Iyo Muraara Dilaaca Haysta

    Siyaasi Abdirashiid Xasan Mataan oo ka tirsanaan jiray isla markaasina u kala danbeeyay xisbiyada UCID, Waddani iyo xisbigii hawada ka baxay ee UDUB, ayaa dhawaan markii uu ku soo biiraayaayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Abdirashiid Xasan Mataan oo ka tirsanaan jiray isla markaasina u kala danbeeyay xisbiyada UCID, Waddani iyo xisbigii hawada ka baxay ee UDUB, ayaa dhawaan markii uu ku soo biiraayaayay
xisbiga talada haya ee Kulmiye waxa uu ku doorasaday xisbigii uu ka tirsanaan jiray ee Waddani in la siiyo lacag ku dhow 3 boqol oo kun oo doolar taasi oo aakhirkii xisbiga Kulmiye iyo xukumadduba ogolaadeen lakiin shuruud looga dhigay in uu qabto xafladda uu kaga baxaayo xisbiga Waddani isla markaasina uu muujiyo in uu ku biiray xisbiga Kulmiye oo aan taageero badan ku lahayn gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Borama.

Wadado hadalo mudo qaatay waxa siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan iyo xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye isku afgarteen in 30kun oo doolar loo sii qadimo oo uu xaflada ku qabsado isla markaasina uu soo kaxaysto xubno taageersan oo laga daawado shaashadaha, intaasi marka ay qabsoontana la siin doono lacagta inta u baaqiga ah oo dhan 270kun oo doolar.


Hadaba tan iyo todobaadkii ina soo dhaafay waxa uu Cabdirashiid ku mashquulsnaa sidii uu u heli lahaa lacagtii loogu balan qaaday ee baaqiga ahayd taasi oo haba yaraatee la isku tuur tuuray aakhirkiina loo aamusay loona sheegay in uu xisbiga Kulmiye wax ka dhiso oo uu dhexda u xidho sidii uu xisbigu u soo bixi lahaa hadana aan la ahaynin wax lacag oo deg deg ah ee u sugo marka uu xisbigu soo baxo oo la siin doono xil culus iyo aduunka iyo wax ka maqanba, arintaasi oo u cunami wayday Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa noqotay mid uu xejisan kari waayay isla markaasina uu goobo badan kaga nacdalaayay xukumadda iyo xisbigeedaba, waxna xubno sar sare oo ka tirsan xukumadda Kulmiye ay sheegayaan in Abdirashiid uu ku qasabanyahay xiligani in uu xisbiga Kulmiye taageero aduun iyo aduun laanba taasina waa siyaasada dhabta ah ee laga lahaa Abdirashiid Xasan Mataan oo maanta ay leexadu sidato, taasi oo ay hore uga soo hor jeedsadeen dhalinyarada iyo odayaasha beesha uu ka soo jeedo waxana uu u eegyahay nin dhanwalba seegay inkasta oo uu ku khasbanaan doono sidii ay ugu taliyaan xisbiga Kulmiye
Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured