Qorilugud News Media

Cabdilaahi Daamur Iyo Wasiir Xaglatoosiye Qore Khadar Ibrahim

0
Tuesday September 05, 2017 - 13:18:34 in Maqaallo by Mr.Kalshaale Media
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdilaahi Daamur Iyo Wasiir Xaglatoosiye Qore Khadar Ibrahim

    Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaana salaamaya muwadiniinta Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaana salaamaya muwadiniinta Somaliland.
Inta badan bulshada reer Somaliland, waxay qawadeen siyaasadda xisbiyada mucaaridka ah bilahan u dambeeyay khaasatan kuwan waddani. Waxa dadka candhuuftooda dib uga liqay xiisaha miidaanka siyaasaddu, ay doodooda sal uga dhigeen in aanay ahayn xirfad shuruudo leh oo qofka siyaasi noqonayaa ay tahay inuu buuxiyo aqoon ahaan, waayo-aragnimo iyo bisaylkiisa qofnimo intaba.in ay iska caayaan wasiiriinta xukuumadeena iyagoo waliba dulqaadanaya gafafka waddani ku hayo wasiiriin waxqabad muuqda ka dhex samiyay somaliland, waxaana maanta u soo qaadanay siyaasi isku sheega in u yahay siyaasi lkn u yahay ziro,aflagaado qaawan oo duuban ayuu ku sheegay wasiir ka mid ah dawladeena ,Cabdilaahi axmed daamur oo baryahan u soo bixiyay cabdilaahi Dahab! aya aflagaadiyay wasiirka caafimaadka somaliland MD.saleebaan ciise xagala toosiye oo runti ah nin waxqabtay inta u xilka hayay, wuxuuna ina daamur ku tilmaamay wasiiirka nin shaqadiisa ay cid kale wado!,itaalkii ina daamur ma intaas ayuu ahaaday waddaniyow!?.


Cabdilaahi Daamur oo kamid ah hogaanka xisbiga cayda ee WADDANI ayaa wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed "Xaglo-toosiye” ku canaantay inaanu shaqadiisa u madaxbanaanayn oo cidd kale gacanta ku hayso, waxaana cad cayda iyo nujubka cabdilaahi daamur oo hadii maanta laysku keeno wasiirka iyo siyaasi isku sheega ah ee daamur in cadaan doonto ka mutacaalinka iyo ka jaahilka ah ee laba eri qori karin !.Wasiir xagla toosiye xaasidkiisa aya badan gaar ahaan xisbiga WADDANI ee ka soo horjeeda horumarka somaliland, waxanna ku xaasidin xagla toosiye qolooyinka cadho jiift ee waddani maalin walba guulaha kala duwan iyo sumcada wanaagsan oo ku dhex leeyahay wasiirko shacabweynaha somaliland dhexdiisa , waana siyaasi aan aqoonayn masuq maasuuqa iyo fawaaxiishka ay dadka ka soo hor jirda wasiir xirsi ay rabaan, waxana ku filaan ina daamur iyo xasadkiisa filan mashaariicda caafimaadeed ee ka hirgalayay wasiirku gobolka sanaag iyo dhakhtarka ceerigaabo ee wada ogayn wuxuu aha intu iman wasiir xagla toosiye!, oo runti aanu aragnay hawsheesu sida ay u socoto waana taariikh waligayd xusi doonto waxqabadka wasiir xagla toosiye ,waxaana taasu muujinaysa inuu wasiir xagla toosiye yahay muwaadin jecel wadankiisa inu horumar gaadhsiyo .

waa lawada yaqaana cida ina daamur iyo xisbigiisa caantaynka ah ee saaxda cadho iyo cay iyo tolaayay la dhex fadhiya,waxaana u sheegaya qolooyinka waddani habaar iyo cay wax idia tari maysay ragga la hor yimaada siyaasad iyo karti!.

Saadaashu waa khayr khayr khayr !!

Qore Khadar Ibrahim

Khadar338@hotmail.com

Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured