Qorilugud News Media

"U Mahad Celin Saaxiibo Iga Mudan In Aan U Mahad Celiyo" Axmed Kaafi Saleeban Carab

Sunday December 17, 2017 - 14:09:58 in Wararka by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "U Mahad Celin Saaxiibo Iga Mudan In Aan U Mahad Celiyo" Axmed Kaafi Saleeban Carab

    "U Mahad Celin Saaxiibo Iga Mudan In Aan U Mahad Celiyo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"U Mahad Celin Saaxiibo Iga Mudan In Aan U Mahad Celiyo"

Xadiis saxiix ah oo nabigeena suuban ee Maxamed (CSW) laga soo wariyay ayaa odhayanaaya "Qofkii aan dadka u mahad naqin, Ilaahna uma mahad naqo”, Dhanka kale, waxaa xaqiiq ah oo uu caqliga suuban qabaa in isu mahad celinta dhex marta bani’aadamka ay tahay eedaab akhlaaqiyan ah oo ku haboon xidhiidhka, wax wada qabsiga iyo mucaamilka haboon ee mar kasta dhex marta dadka.



Haddii aan u daadego gunta iyo biyo dhaca ujeedkaqormadaan aan cinwaanka uga dhigay "U mahad celin saaxiibo iga mudan in aan u mahad celiyo" waxaan jeclahay in aan Ilaah ka sokow si ay qalbi furnaan iyo xushmadi ku jirto ugu mahad celiyo saaxiibo qaaliya, qaraabo iyo akhyaar kale oo nagu garab istaagay qabsoomida meherka aniga iyo xaaskeyda Xamda Warsame oo 11-12-2017 ka dhacay hotel nasteexo ee magaalada burco.


Ugu horeyn Aniga Iyo xurmadeyda Xamda Waxaan U Mahad naqaynaa labadeydii waalid Ee Nagu garab Galay yagleelida qoyskayaga oo aanan la’aantood bud-dhigneen waxana xafladii aad Nagu baarigteen ay na dareensiisay qiimaha midowga lamaanuhu dunida u leeyahay oo maantaba aan dareemayo masuuliyada isaaran iyo quruxda Nolosha lamaanenimo.


Waxan sidoo kale jeclaystay inaan carabaabo asxaab xushmad iyo ixtiraam aan u hayo oo garbaha ila hayay hawsha qabsoomideeda Cllr Mubaarik Yuusuf Mohamoud Fantastic Abdirahman Hassan Xarago mahad balaadhan ayaan idiin hayaa, waxan idin leeyahey aad baad u mahadsan tihiin saaxiibayaal, xaqiiqdiina waxaad tihiin saaxiibo ku dayasho mudan ee Rabbi ha’idinka ha idinka abaal-mariyo hawsha balaadhan ee aad ila qabateen.


Waxan sidoo kale mahad celin balaadhaan udirayaa akhyaarta aan bah-wadaagta ku nahay mihnada saxaafada oo kaalin laxaad le ka qaatay qabsoomida farxada meherka aniga iyo Xaaskayga, intii safarka isagoo gashey iyo intii kale ee aan isku degaanka aheyn abaal aan duugoobeyn ayaan idin hayaa dhamaantiin


Waxanan ilaawi doonin akhyaarta tirada badan ee aan ood wadaagta ku nahey barkulanka facebook ee ku kala nool daafaha caalamka oo isoo hambalyeeyay, isoo tahniyadeeyay, isoo duceeyay saaxibayaal dhamaantiin waxaa tihiin dad karaamo iyo qadarin iga mudan waan idin hayaa abaalkiina.


Guntii iyo gebagebadii, intii isoo hambalyaysay, intii ila faraxdey iyo intii gacanta ka gaysatay meherkii qiimaha badnaa ee aniga iyo xaaskeyga dhamaantiin waxaad qabateen hawl balaadhan oo caalamka oodhan laga dareemay, insha allah baradiina maalin dhaw ayaan baarigeynaa.


ALLA MAHADLEH.


Qalinkii Axmed Kaafi Saleeban Carab

Burco/somaliland


Qorilugud
Social Media
featured