Qorilugud News Media

Yaab!! Qasnada Dawlada Oo Laba Jeer Gaadhi Isku Mid Ah Laga Iibiyay W/Q Eng Muuse Carab

0
Thursday February 08, 2018 - 10:33:20 in Maqaallo by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaab!! Qasnada Dawlada Oo Laba Jeer Gaadhi Isku Mid Ah Laga Iibiyay W/Q Eng Muuse Carab

    Ibraahim Axmed Raabi Waa mid ka mida Xoghayashii Dawlada Hoose Ee Hargeysa Soo Maray Waxaana uu xilka xoghayinimadaasi hayeey Mudo ku siman Sanad Iyo Badh .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ibraahim Axmed Raabi Waa mid ka mida Xoghayashii Dawlada Hoose Ee Hargeysa Soo Maray Waxaana uu xilka xoghayinimadaasi hayeey Mudo ku siman Sanad Iyo Badh .


Mudadaasi ka dib waa laga badalay xoghayinimadii in mudo ah ka dib ayaa dib loo Magacaabay Hay’adda abaabul Ka Saarka Qarana Gudoomiyaha (Hay’adda NDC ).

Haa kolay in Badan oo idinka mid ahi waxay is waydiinasaa Nuxurka Qoraalkani muxuu ku Taxaluuqaa, Ibraahim mudadaasi wuu jogay Dawlada Hoose Ee Hargeysa Waxa Soo Maray isla markaana Hantida Qaranka Looga Iibiyay Laba Gaadhi Oo Kala ahaa TOYOTA VEROSSA Lambarkisu ahaa 59, In Mudo ah markii uu joogay hadana waxa loo iibiyay Gaadhi Kale Oo AhLANCURSAL TOYOTA Lambarkiisuna ahaa 65.

Ex Xoghaye Ibraahim waa laga badalay Dawlada hoose Ee Hargeysa isga oo aan hayn wax xil ah ayuu mudo watay gaadhigii LANCURSAL ahaa isagoon laga reebin gaadhigaasi uu wataylagagan Xidhin wax Lambar GT ah Oo cadaynaaya in uu Gaadhigani Yahay Hanti umadeed oo Dawladu leedanahy .

Hadana waxa loo magacaabay mudane ibraahim gudoomiyaha abaabul ka saarka qaranka sidii ayuu kula wareegay gaadhigii uu watay waxaana bajadkii Miisaaniyada 2017 ugu jiray Hay’adaasi uu maamulaayay gaadhi waxaana uu nasiib Daro awgeed ku kacay talaabo Khaldan waxana uu Dawlada Ka Iibiyay Gaadhigisii Waxaana Taasi Tahay Mid Ka Mida ah Musuqmaasuqa Uu Ku Kacay Masuulkani.

Gaadhi Qasnada Dawlada Laga iibiyay Laba Jeer Waa Heer Muqusmaasuq Oo Xun Iyaba, Madaxweyne Biixi Waxaan leeyahay Musuqmaasuqaasi waa wixii aad ololaha ku gashay in aad ka dagaalami Doonto Ee Wax Ka Qabo Mudane Madaxweyne .

Eng Muuse Carab

Carab21@gmail.com

Hargeysa Somaliland


Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured