Qorilugud News Media

Xoriyadda Hayga Qaadin..W/Q Barkhad Ladiif M. Cumar

0
Saturday February 10, 2018 - 11:05:31 in Maqaallo by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoriyadda Hayga Qaadin..W/Q Barkhad Ladiif M. Cumar

    Da'ahaan waxaan ku qiyaasay lixdan jir waxa uu ku jira masaajid dhexdiisa waxa la hadlay oday ay is garayeen oo ku yidhi kaalay aynu isku xidhano, aynu jamac ku tukanno salaadda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Da'ahaan waxaan ku qiyaasay lixdan jir waxa uu ku jira masaajid dhexdiisa waxa la hadlay oday ay is garayeen oo ku yidhi kaalay aynu isku xidhano, aynu jamac ku tukanno salaadda,  haseyeeshee Odaygii wuxuu ku jawaabay "xoriyada ha iga qaadin kaligay baan tukanayaaye”, cajiib ninkii kale ku celiyey maxaad uga jeeda xoriyada ha iga qaadin jamac baan kula rabaaye, odaygii jaamaca diidanaa ayaa ugu jawaabay " dee marka kaligay tukanayo inta doona rukuucayaa, ama sujuudaya ama taagnaanaye, laakin marka aan kugu xidho adiga ii maamulaya oo in aanan awoodi Karin ayaad igu tukinaysa.

Muddo yar ka dib ninkii wuxuu ku qanciyey inay jamac ku wada tukadaan oo isku xidhaan, markii salaadii ay dhamaystreen buu ninkii jamaca diidanaa lagu yidhi "bal ka waran imika ma xoriyadii baan ka qaaday”, xaajigii wuxuu ugu jawaabay "adigu si fiican baad yeeshay oo jamaciii kugu xidhnaa baad ixtiraamtay oo si dhex dhexaad ah oo loo baahan yahay baad noo tukisay, haseyeeshee waxa jamaca I nacsiiyey qolooyinkan dambe oo dadka siday doonaan u tukiya oo shan bog kugu akhrinaya, saacadna rukuucsan marna sujuudsan oo aan dan iyo muraad ka lahayn dadka ay tukinayaan inuu awoodi karo iyo in kale, sidaas darteed ayaan gabi ahaanba u joojiyey in aan jamac ku tukado oo aan u arkay inay iga fudud tahay inaan kaligay tukado, mar haddii aan jamaca kale la ixtiraameen oo nin waliba sida uu doono dadka u tukinayo.


Hadalkii waxa qaatay odaygii jaamaca marka sida fiican u tukiyey, waxaanu u garaabay doodii odaygaasi ku hadlayey, waxaanu yidhi "way jiraan dad marka tukinayaan dadka oo qaybo kala duwan iskugu jira aan qiimeyn ee iyagu hadba sida ay doonaan ula dhaqma, ninkaasi jamaca waxa nacsiiyey waxa helay dad sidaas oo kale ah, sidaasna ma fiicna ee mar walba oo aad dad tukinayso cid walba way kugu xidhnayaane waxaad ilaalisa ka xanuunsanaya ka aan awoodi Karin wakhti dheer inuu taagnaado waa inaad niyad ku haysa ka dibna sida ugu macquulsan u tukisaa.

Hadaba, inaan arrintaasi wax ka qoro waxa igu kalifay dad waayeel u badan ayaan arkay inay ku adag tahay in mararka qaarkood suuradaha dhaadheer ee dadka qaar ku tukadaan aan awoodi Karin oo iyago gariiraya ama dhibsanaya dirqi iyo tu xun u tukanaya, sidaas darteed intay dadku jamaca nici lahaayeen waa inaad mar walba niyada ku haysaa inay jiraan dad faro badan oo ku karaahiyeysanaya hadii aad ku dheerayso, sidaas darteed inta dad badan jamaca ka door bidi lahaaayeen kalinimo inay ku tukadaan waxa ka door roon inay dadka jeclaysiiso inay jaamaca ku tukaddo oo masaajidad lag cararin ee loo soo cararo, marka qolooyinkan dambe waxaan leeyahay dadka aad tukinaysaan xaq dhawra oo ilaaliya oo sida ugu macquulsan ee dhexdhexaadka ah hadii aad dad tukinaysa u tukiya, khayrkuna wuxuu ku jira in sida ugu fudud ugu nasteexayso.

By:Barkhad-ladiif M. Cumar.
Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured