Qorilugud News Media

komiishanka doorashooyinka oo ku fashilmay inay ummadda u caddeeyaan ciddii ka danbaysay buuggii codbixinta ee rabshaduhu ka dhasheen:

0
Saturday February 10, 2018 - 11:08:38 in Maqaallo by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    komiishanka doorashooyinka oo ku fashilmay inay ummadda u caddeeyaan ciddii ka danbaysay buuggii codbixinta ee rabshaduhu ka dhasheen:

    Muddo imika laga joogo ku dhawaad saddex bilood ayaa la joogaa wakhtigii uu shaaciyeen kaadiriinta xisbiga waddani,in la gacan togaaleeayay waraaqihii cod bixinta doorasahada madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo imika laga joogo ku dhawaad saddex bilood ayaa la joogaa wakhtigii uu shaaciyeen kaadiriinta xisbiga waddani,in la gacan togaaleeayay waraaqihii cod bixinta doorasahada madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka.

Xisbiga waddani waxay si rasmi ah shir jaraaid oo ay qabteen,isla markaana ka dhex muuqdeen xuseen axmed caydiid iyo gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaasi ay bulshada ugu soo bandhigeen,in ay gacanta ku hayaan nuqullo ka mid ah waraaqihii codbixinta oo ay sheegeen inuu soo daabacday xisbiga kulmiye,eedeedana u xambaariyeen komisionka doorashooyinka.

Warkaasi masuuliyiinta xisbiga waddani la soo fariisteen shaashadaha televisionada,waxa uu waxa uu ku noqday af kala qaad,waxa uu ahaa weji gabax soo food saaray komishankii masuuliyiintii loo igmaday xilkaas,wuxuu ahaa qumbulad lagu dhextuuray bulshadii ku soo hoyatay habeenkaa nabadgelyada.


Dad aan waxba galabsan oo kusoo toosay nabad,kusoo hadh galay nabad,nabad ugu carrowsan hoygoodii, ayuu marin duway malahoodii kuna hoyday geeri.

Kolkii masiibadaasi dhacday, uu sababta u ahaa shirkaasi jaraa’id,waxa keliya ee laga war dhowrayay waxay ahaayeen xubnaha komiishanka doorashooyinka,wax la dhawro halka ay sal dhigataba,komiishankii way hadleen.

"warka ka soo baxay xisbiga waddani, waa been aan sal iyo raad toonna lahayn,waayo?Waraaqaha cod bixinta lama daabacan karayn,lamana arki karaynin”

sidaasi waxa yidhi gudoomiayaha komiishanka doorashooyinka oo isla habeenkaasi la hadlay warbaahinta.

Intaa kumuu joogine wuxuu ku sii ladhay: "arrinkaasi waxaan leeyahay cid kasta oo ay ku raad yeelato haddii ay xataa annaga noqoto,waxa la marinayaa sharciga,waa gef qaranka laga galay,waa jariimad weyn oo la doonayo in sumcadda Somaliland lagu dhaawaco,waa dhacdo geysatay geeri dad aan waxba galabsan”

Halkaasi markii xaal joogay shacbiguna naawilayo weli baadhitaanka ay sheegeen in laga samaynayo arrinkaasi,waxay komiishanku hal maalin kadib qabteen shir jaraa’id oo uu ku wehelinayo guddoomiyaha xisbiga waddani.

Gudoomiyaha komiishanka cqaadir iimaan oo hadalka ku horreeyay loo dhegtaag!

Maxaa dhacay?wuxuu ummadda u sheegay inay kasoo baxeen,shir socday 17kii bisha iyo 18kii bisha oo ay habeenimadeedii hadlayaan,halkii wax kale laga eegayay waxa uu ammaan iyo mahadnaq u miisay gudoomiyihii waddani,

yidhi yidhi oo hadana yidhi::waa nin dalka iyo dadkaba tudhaale u haya,waayo arag ah,wax badan eegaya,noo samray,dulqaadna muujiyay…..yaab!

waxa uu intaasi ku daray inay arrinkii buugga ka heshiiyeen,hadda garo oo dhacdada buugga ee leeyahay waxaanu ka heshiinay xiabiga waddani waxa dhibbane ka ahaa qaranka,shacbiga, dadkii nafahooga ku waayay iyo qoysaskii masiibadaasi ku habsatay,
Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured