Qorilugud News Media

Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Masuuliyiinta Caafimaadka Iyo Waxbarashada Kula Shiray Magaaada Buuhoodle.

0
Monday February 12, 2018 - 14:38:53 in Wararka by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Masuuliyiinta Caafimaadka Iyo Waxbarashada Kula Shiray Magaaada Buuhoodle.

    Buhoodle(QorilugudNews)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyaynta Jamhuuriyadda Somaliland Md. C/rashiid Ducaale Qambi,oo ku sugan magaalada Buuhoodle. ayaa kulamo la yeeshay madaxda gobolkaasi iyo masuuliyiinta laamaha dawladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buhoodle(QorilugudNews)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyaynta Jamhuuriyadda Somaliland Md. C/rashiid Ducaale Qambi,oo ku sugan magaalada Buuhoodle. ayaa kulamo la yeeshay madaxda gobolkaasi iyo masuuliyiinta laamaha dawladda.

Wasiirka oo Sabtidii gaadhay Buuhoodle ayaa kulamada uu shalay la yeeshay masuuliyiinta laamaha dawladda ee degaankaasi iyo madaxda gobolka Buuhoodle, waxa uu ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyadda aasaasiga ah ee arrimaha bulshada. Waxaanay madaxda gobolka iyo kuwa laamaha dawladdu wasiirka ka codsadeen in lagu dedaalo sidii kor loogu qaadi lahaa tayaynta baahiyaha adeegyada bulshadagobolka oo aad uhooseeya, isla markaanaloo tayayn lahaa.



Maadaamaay adeegyada bulshadaee aasaasiga ahi ay laf dhabar u yihiin nolosha bulshadda iyo ta degaankaba. Iyadoo masuuliyiintii laamaha dawladda ee uu la kulmay ay ka mid ahaayeen wasaaradaha waxbarashadda, caafimaadka iyo ururadda bulshada rayidka ah, Wasiirka hawlaha guud, oo la hadlay masuuliyiintii uu la kulmay ayaa u balan-qaaday in xukuumadda cusub ee madaxweyne Muuse Biixiwax ka qabanaysoadeegyada bulshada, kuwaasoo qayb ka ahaabalan-qaadyadii madaxweynaha ee xiligii uu ku jiray ololihii doorashadii madaxtooyada ee waddanka ka qabsoontay bishii November ee sannadkii hore.


Dhinaca kale booqashada wasiirka ayaala xidhiidha mid ku salaysan soo qiimaynta baahiyaha adeegyada bulsho iyo maamul daadejintagobolka Buuhoodle.Waxaana la filayaa in uu maalmaha soo socda kormeer ugu baxo degmooyinka, magaalooyinka iyo dhulka baadiyaha ah ee ka tirsan Buuhoodle.

Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured