Qorilugud News Media

Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guriyaynta Somaliland Oo Ku Dhawaaqey In Ay Dawlad La'aanta Ka Jirto Magaalada Buuhoodle + Qayla-dhaan Uu Diray.

0
Wednesday February 14, 2018 - 10:35:49 in Wararka by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guriyaynta Somaliland Oo Ku Dhawaaqey In Ay Dawlad La'aanta Ka Jirto Magaalada Buuhoodle + Qayla-dhaan Uu Diray.

    Hargeysa(QorilugudNews)- Wasiirka hawlaha guud ee Somaliland mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa ka soo laabtay gobolka Buuhoodle,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(QorilugudNews)- Wasiirka hawlaha guud ee Somaliland mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa ka soo laabtay gobolka Buuhoodle, halkaas oo uu maalmihii u dambeeyay socdaal ku joogay. Wasiirku waxa uu sheegay in uu soo arkay degaanno ka arradan adeegga dawladda, islamarkaana aanay jirin jaho ay haystaan.


Wasiirka oo Burco kula hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in dhulkaasi u baahan yahay in hadda wax laga qabto "Dadkaas xaaladdooda ayaan eegayay sidii nabadda iyo horumarka dawladdan cusub wax uga qaban lahayd ayaan u tagay. Anigu meesha uguma tagin caafimaad shaqaynaya oo dawladeed, uguma tagin biyo shaqaynaya, cid kale oo meesha ka shaqaysa ma arag wax kale oo ka socdana ma arag, meel wax walba ay isku burbureen oo baahi taallo oo dhibaato weyn naga qabsatay oo imika u baahan in dib loo habeeyo nooc ay tahayba weeye,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.



Mr Qambi waxa uu sheegay in bulshadaasi tahay mid aan jahaba la haysan nidaamka dawladnimada "Meel jaho haysata iyo meel meel ku xidhan iyo meel dawlad ku xidhan midna ma arag. Biyo ma jiraan oo qaxoonti ayaa dhulka qabsaday oo dad la yidhaahdo isdabar oo xoolo beelay ayaa dhulkiiba qabsaday marka Illaahay haddii laga yaabo meel wax jiraan maaha.”
Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured