Qorilugud News Media

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Boqorada Dalka Denmark.

0
Wednesday February 14, 2018 - 15:43:58 in Wararka by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Boqorada Dalka Denmark.

    Hargeysa(QorilugudNews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, shacbiga iyo boqortooyada Dalka Denmark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(QorilugudNews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, shacbiga iyo boqortooyada Dalka Denmark
, ka dib geerida ku timid Prince Henrik oo ahaa sayga Boqorada dalka Denmark, boqorad Margrethe.

Dalka Denmark oo ah dal aynu xidhiidh dhaw wada leenahay kana helno kaalmooyin kala duduwan oo ay ka mid tahay ta ay soo mariyaan sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Somaliland ee (Somaliland Development Fun) ee midawga yurub ka soo gala Somaliland iyo haday noqoto ta ay soo mariyaan hay’ada DANIDA oo ah hay’ad laga leeyahay Denmark. Waxaanu madaxweynuhu boqorada iyo shacbiga dalka Denmark uga tacsiyadeeyey geerida Prince Henrik oo da’a diisu ahayd 83 jir kuna geeriyooday Dalkaasi.


Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured