Qorilugud News Media

Baaq Ku Saabsan Goaamadii Ka Soo Baxay G/Wasiirada Somaliland

0
Wednesday February 28, 2018 - 12:03:55 in Maqaallo by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq Ku Saabsan Goaamadii Ka Soo Baxay G/Wasiirada Somaliland

    Baaq Ku wajahan go'aamadi Ka soo baxay G/Wasirada oo madaxeynaha SL Muse Bixi la jiro, SL sanadadan ugu danbeyey waxay ku talabsatey si an ahayn sidi loogu tala galey, taasina waa bilaw fashil cad ah oo runti in laga hor tago looga bahan yahay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaq Ku wajahan go'aamadi Ka soo baxay G/Wasirada oo madaxeynaha SL Muse Bixi la jiro, SL sanadadan ugu danbeyey waxay ku talabsatey si an ahayn sidi loogu tala galey, taasina waa bilaw fashil cad ah oo runti in laga hor tago looga bahan yahay dhamaan shacabka SL

Nofonbar, 23, 2018. G/Wasirada oo madaxweynaha SL Muuse Bixi la jiro waxaa Ka soo baxay fadhigoodi go’aamo Ku baaqeya shaqada in la siiyo gaboye lahayb sooco (oo ah wax an jirin) iyo hablaha SL. Mudan madaxweynaha S/L Muuse bixi iyo G/Wasiradisa go’aamdoodi markan argney oo akhriney waxay la mid noqdeen go’aamadi xukumadihi Ka horeyey.

Go'aamdaasi runti waxay noqdeen kuwa meel Ka dhac weyn ku ah Diinta iyo shacabka SL, marka la eego sida ay u yaalan, mana ahayn kuwa shacabka SL Ka sugeyeen in ay la soo shir fadhistaan, Isla marka lagu nastexeyneyo shacabka Ka sugeyey waxyaabo Ka waweyn wax ay kulankoodi ku go’aamiyeen


Waa marka hore, Ummadda SL waxay Ka kooban tahay "Qaba’il” leh magaac soo jireen ah oo lagu Ab-tirsado;- runtin mudan in la ilaaliyo, la ixtiramo, lagana dhawro wixii sharaftooda wax u dhimeya. Mudan madaxweyn Muuse Bixi iyo G/Wasiirada qodobka may dhawrin;-sharafta iyo jiritaanka magaacda soo jireen ah ee Qabiilka SL siiba qaar ka mid ah, M/ madaxweyn Muuse Bixi iyo G/Wasiiradu iyaga oo aqoon u leh qaba’ilka SL arrinta si cad ayay u baal mareen, waxayna si cad u go’aamiyeen wax an ahayn magac qabiil oo xili dhaw shaqsiyaad an aqoon siyaasadeed lahayn sameysteen uguna tala galeen in ay ku khalkhaliyaan magaacda soo jireenka ah ee lagu Ab-tirsado, taasina maha mid Ka shaqeyneysa SL dhexdeeda, M/ madaxweyn iyo G/Wasiiradu ha ogadan qof kaste oo fikirkaas wata madaxweyne ha noqodo, wasiir ha noqodo, Siyaasi ha noqodo, ama koox ha noqoto wax natiijo ah oo ay ku gaadhi karan ma jireyso on Ka ahayn in meel Ka dhacaan

Qodobka kale Ilaahay subxanuh wa’tacala ayaa inoogu kala cadeyey qurankisa karimka ah in Raga iyo Dumarka an si siiman wax lagu qaybin, arrintaas maha in la siyaasedeeyo oo Dumuqradiyad lagu sifeeyo, arrintaas Jamuhuraydi Soomaaliyeed ayaa Ku burburtey, quranka karimku wuxuu ilahay inoogu cadeyey Ragu xaqooga ayay leeyihiin Dumarkuna xaqooga ayay leeyihiin, M/ madaxweyn Muuse Bixi iyo G/Wasiiradu arrinta iyaga oo og oo aqoon u leh isla marka og in madaxdi Ka horeysey Ku fashilmeen ayay si cad wadadi ay mareen madaxdi hore u qaadeen, hadaba iyada taas la ogyahay waxaa run ah in go’aamadaasi ahayn wax siin ee Waa quranka karimka ah meel uga dhac Iyo qabil sharef jabin iyo magac "Isir” tir-tirid ay ku fashilmeen kuwi Ka horeyey

Sida awgeed Anaga Oo ah qurbo joogta reer SL isla marka ku hadleyna magaca Beesha Reer sheekh Muuse (Dheri) waxaan u argney go’aamada in ay noqdeen kuwa lagu badheedhey qaba’ilo gaar ah iyaga oo aqoon u leh qaba’ilada SL waxayna meel Uga dhaceen magaac qabiil oo soo jireen, waxay ku talabsaden ku bedelid magaac an Isir ahayn kuwa Isirka ah. Waxaan Ku war galineyna M/ madaxweynaha iyo G/Wasiirada S/L in ilaaliyaan quranka karimka ah isla marka ogadan in anay sameyn karin qabil magac cusub leh xiligan isla marka anay sameyn karin in hal qabiil laga dhigo qab’ilo an isku hayb ahayn, go’aamadaasi maha kuwa loo dul qaadan karo, isla marka nama qabato, sida awgeed waa in dib looga noqda go’aamada meel Ka dhacda xanbaarsan, haddii ay run kaa tahay in wax loo qabto qaba’ilka waa in reer walba magaciisa loo yaqano wax ku hela ha yarto ama ha badnate, taas ayaa wanagsan oo runta salka ku haysa

Ugu danbeynti, waxaan Ka rejeyneyna si qadirin ku jirto G/Wasirada SL oo madaxweyn Muuse Bixi ku jiro in sixi doonaan qaladadka Ku jira go’aamadi Ka soo baxay fadhigoodi oo soo saari doonaan go’aamo la garan karo oo dhaxal gal ah, iyaga oo iska ilaliyaan qaladadka imika oo kale in ay galaan mar kale

Wabilahi tawfiiq
X. Cusmaan X. Maal X. Zakariye
sabah.hussein7@hotmail.com

Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured