Qorilugud News Media

Aynu u Gurmanno Dawladnimada iyo Sharciga By Cabdicasiis-ayax Maxamed

0
Sunday March 04, 2018 - 11:52:33 in Maqaallo by Reporter Burco
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aynu u Gurmanno Dawladnimada iyo Sharciga By Cabdicasiis-ayax Maxamed

    Heeshiis bulsho ayuu ka dhashaa sharci iyo dastuur kaas oo abuura dawladnimo, dawladnimadaas oo iyana fulisa wajibaadka dastuurku faray si waafaqsan sharciga, sharciguna waa ka cid walba ka sareeya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heeshiis bulsho ayuu ka dhashaa sharci iyo dastuur kaas oo abuura dawladnimo, dawladnimadaas oo iyana fulisa wajibaadka dastuurku faray si waafaqsan sharciga, sharciguna waa ka cid walba ka sareeya.

Haddaba Muhiimada kowaad ee aasaasiga ah ee sharciga aynu u samaysanay waa in uu inaga xakameeyo xumaha iyo sharka oo dhan iyo in uu xal iyo dabar u noqdo dhamaan damacyada iyo doonista aan xadka lahayn ee dadka iyo dhibta taasi keeni karto.
in uu caddaaladda, xoriyadda iyo xuquuqda gaar ahaaneed ee qofkasta sugo si siman. Si aynu nabadgelyo iyo nolol habboon ugu wada noolaano noqonana bulsho midaysan oo meel u wada jeedda.


Haddaba kawaran haddii taas laysku ogaa ee bulshadu heshiiska ku ahayd aan lagu dhaqmin ee cidda awoodda dawladnimo gacanta ku haysaa ee ay ahayd in ay ilaaliso sharciga dadkana ku ilaaliso, fursadaha iyo khayraadkana u qaybiso ay iyagii ka talaabsadaan oo burburiyaan sharcigii? oo qofka ay doonaan ay xoriyaddiisii sharciga ahayd ka qaadaan ka ay doonaan iska qafaashaan? ka ay doonaan iyo cidda ay doonaan xaq aanu lahayn siiyaan? ka ay doonaan hantidiisa ku qabsadaan ama ka xayiraan? ka ay doonaanna hantidii iyo fursaddii ummadda siiyaan keligii, iyaguna sida ay doonaan wax u boobaan waxa ay doonaanna sameeyaan.? Bal ka sheekee waxaas oo dhan oo ay weheliso Siyaasad Qabyaaladdaysan oo bulshadii dhamaan ba cadow isaga wada dhigtay?

 
Haddaba waxaas oo dhan iyo wax ka daran oo dhamaantood aan sharci iyo dhaqan toona ahayn ee damac iyo doonis kooxeed ah ayaa ah waaqica runta ah ee Soomaalilaand ka jira maanta. Qofka taas aan arkayn ama ogayni waa maangaab ama wuu isyeelyeelayaa.
Haddaba haddii dadkii maamulka iyo awooddaha dawladnimo hayay sidaa foosha xun dhaqankoodii noqday maxaa bulshada la gudboon? Waxa la gudboon in ay si walba isu hortaagan iyagoo adeegsanaya awooddahooda debecsan oo dhan ee mudaharaaddo iyo abaabulba leh iyo in qof wal oo indheergarad ah ama codkiisu bulshada wada gaadhi karo uu doorkiisa ka qaato sidii sarraynta sharciga iyo qaayosoorkii dawladnimo loo soo celin lahaa.
Haddii taas maanta la waayo oo la hor istaagi waayo sida wax u socdaan ee sharci darrada, xaraashka, boobka iyo qabyaaladda waxaa ka dhaln karta dhibaato
Haddaba Aynu u gurmanno dawladnimada iyo sharciga si aynu dhibaato weyn uga badbaadno.
 
W/Q Cabdicasiis-ayax Maxamed

Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured