Qorilugud News Media

Soomaliya Ma Hadday Baraarugtay, Yaa Se Toosiyey .. Heshiishka Somaliland Waa Sharci Darro.

0
Sunday March 04, 2018 - 11:57:04 in Maqaallo by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaliya Ma Hadday Baraarugtay, Yaa Se Toosiyey .. Heshiishka Somaliland Waa Sharci Darro.

    Marka hore waxa wax lala yaabo ah in dawlada soomaliya ay markasta hagardaamo ku tahay horumarka soomaliland, iyadoo ku andacoonaysa inay masuul ka tahay ummada ama shacbiga soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore waxa wax lala yaabo ah in dawlada soomaliya ay markasta hagardaamo ku tahay horumarka soomaliland, iyadoo ku andacoonaysa inay masuul ka tahay ummada ama shacbiga soomaaliyeed.


Somaliland shacbigeedu oo mar qaldamay, waa markuu xornimadiisi ku wareejiyey soomaliya isagoo rabay in ay soomali wax noqoto midowdo, laakiin maanta taas cidi ku murmi mayso waana laga gudbay.

Markasta waxay jecelyihiin in ay somaliland cagaha qabtaan iyagoo sheeganaya in dantoooda ka talinayaan, waxaynu ogsoonahay in muqdisho ay dad rayida oo aan waxba galabsan lagu laayo, taas masuuliyadi miyaanay ka saarnayn, maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaahda' TIISABA DARYEELAA, TU KALENA KU DARRA'. Umada lay idiin igmaday ee Dilka, dhaca iyo Abaartu daashatey ayaa idiinka fadhiya waxtar ee maaha inaad soomaliland ku mashquushaan.

 

Heshiishka somaliland iyo DPworld waa heshiish taariikhi ah oo ay soo dhaweeyeen shacabka reer soomaliland guud ahaan mucaarid iyo muxaafidba aadna ugu farxeen, waxaana aad uga naxay dhamaan cadawga soomaliland oo ay dhabar jab wayn ku noqotay, waxaanan ognahay in ay qorshe kasta oo ay ku joojin karaan geed dheer iyo mid gaabanba ay u fuuleen, shacabka somalilnd wixii dantooda ah waa isku mabda'a, isku ra'yi iyo waliba isku mawqif cidna uga daba fadhiisan mayaan horumarkooda, iskadaa dawlada aadka u taagta darran ee farmaajo oo ka dhamaan la,a maamul goboleedyada qarqiyey ee ka fara maroorsaday xukunka, oo uu ku jaho wareeray xal u helidooda.

Koonfur waa walaalahayo annagu walaahi dhib lama jeclin in ay horumaraan oo ay ammaan noqdaan cid iga jecel majirto, laakiin waxaan odhan lahaa walaalayaal aynu is cafino ee naxliga iyo hagardaamada ka daaya dalkayaga isku tashaday ee madaxweyne shacabkiisu soo doortey uu xukumo.

Ugu danbaym somaliland cidna ka baryi mayso danaheeda iyo horumarkeeda waxaanan diyaar u wadda nahay inaan wax kasta oo nagu qaadato aan u dhimanayno dalkayaga somaliland difaacidiisa iyo ilaalintiisa, annagu AMNISOM ma naqaano ee xoogayaga ayaan naqaana, waligeed hadaan la aqoonsanayn somaliland waa madaxbanaan tahay.

Dad, dal iyo shacab isku tashaday ayaa qarrankan yagleelay mana ka laabanayaan yoolkooda iyo mustaqbalkooda ifaya ee ah soomaliland, waxaan ahay dhalinyadii ku barbaartey somaliland wax ku baratey waanan ogohay dhibaatadii dalkaygu u soo maray heerka maanta uu taagaan yahay waana 'DHUUXII SHAHIIDKA' iyo halgamayaashi mana dayacayno tabacoodii intaan noolahay.

..SOMALILAND WAA QARAN QAATEY TUBTA NABADA..

WABILAAHI TAWFIIQ

W/Q: Ahmed Harir Adam

Hargaysa, Somaliland

252-063-4106926


Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured