Qorilugud News Media

Bilaahi-Calaykum. Dalka Ha Laga Daayo, Dan-jireyaasha Daneysan:- Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

0
Sunday March 04, 2018 - 12:03:01 in Maqaallo by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bilaahi-Calaykum. Dalka Ha Laga Daayo, Dan-jireyaasha Daneysan:- Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

    Dalkan aan la aqoon-saneyn ee Dunida, Dawlada jaarkiisa, iyo meel kastoo iriqaa aqoonsigu la galo ka baadi-goobaya uma baahna in loo sameeyo cadaawad sokeeye iyo mid shisheeyeba, Waayo hadii jaarkiisa xurgufi dhex marto dan uma aha isaga iyo haday sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalkan aan la aqoon-saneyn ee Dunida, Dawlada jaarkiisa, iyo meel kastoo iriqaa aqoonsigu la galo ka baadi-goobaya uma baahna in loo sameeyo cadaawad sokeeye iyo mid shisheeyeba, Waayo hadii jaarkiisa xurgufi dhex marto dan uma aha isaga iyo haday shisheeyeba ay sheed isaga huruuftamaan, Arintaasi waxaan ka wadaa hadii muwaadiniinta reer Somaliland ee wadamada kale Dan-jireyaasha uga ahi ka door-bidaan danahooda gaarka ah wakiilnimadii umadooda iyo qarankoodii ay matalayeen, Waxay abuuri kartaa colaad sokeeye ama mid shisheeye oo wadamada ay joogaan labadaa noocba ay inoo kala qaadaan.

Tusaale ahaan aan u soo qaato Safiirka Dawlada Djabouti ee Somaliland (Abm: C/fataax Siciid Axmed) , Oo hadalo war-baahinta
u mariyey mid ka mid ah Musharaxiinta Qaranka Somaliland ee Madaxtinimada oo isagu leh maamuus iyo xilo gaara oo dastuuriya laguna tix-galinayo Waa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid (Eng: Faysal Cali Waraabe ), Run ahaantii masuuliyiinta dawladu waa iney fiiriyaan Xeerarka qeexaya awoodohooda iyo cid ka mudan ixtiraamka oo ay ugu horeeyaan Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka, Hada safiirkani waa uu durey masuulka ay isu Qaranka yihiin ama ay Qareenimada wadaniyadu ka wada dhaxeyso isagoo iska dhisaya wadanka uu safiiradiisa u fadhiyo Somaliland Ee Djabouti.


Had iyo jeer loo baahna inaad ku dhex milanto dalkaa laguu dirsadey saaxadiisa adigoo marerka qaarkood umada aad isku wadanka tihiin duraya oo af-lagaadeynaya, Ujeedka ugu weynina ay tahay inuu wadankaa aayer danihiisa ka fushado taasi waxaa lagu macneeyaa khaayinul-wadan maxaa yeelay Qaranimadiisii waxa kala cuslaatey danahiisa gaarka ah, Kuwaasi oo si bilaa shuruud ah loogu fuliyo ileyn waa nin noqday cagaftii deyrkeeda ka bilawdey duminta hada waa key yadu galeysay, Markaa waa in laga fiirsadaa ilaa xad cida hadba loo igmanayo dirasho meel kale waayo, Cidaad wakaalad dal kale u dhiibtaa uma taalo iney dawladaasi shaqooyinkeeda ku mashquusho iyo iney arimaheeda ka qayb-qaadato, Waxaasoo dhan looma dirsan kaliyaata waxa loo direy shaqada wakiilnimo oo kaliya.

Hadaan u imaado tan caalamiga ah Shuruucda safaarada kuma jirto is-weerarid iyo isku jawaabid toona , Sababtoo ah waxa laysu haynayaa oo laysu wadayaa dhaqamo iyo aregtiyo kala gadisan oo la rabaa iney isu fahmaan xidhiidh caalamiya ama mucaamalada dunidu isu af-garato ee (Diplomacyada), Waxa lagaa rabaa markaa inaad dhaqamadaa, af-gaarahaa iyo umadahaa kala duwan aad isu soo dabaasho adigoo cuskanaya rukunka xidhiidhka caalamiga ah,

Sidoo kale uu abuuro fursado ama arimo Qaran oo ay is-weydaarsadaan labada dal kuwaasi oo dhaqaale ahaan iyo horumar ahaanba kor u soo qaada Bulshooyinka qaranadani ka soo kala jeeda dhinac walba iyo dhumuc kasta oo laga qabto arin horumarineed.
Dhinaca Somaliland iyo ugubnimadeeda dal ahaaneed, Somaliland ma qaadi kareyso Dan-jire lafahiisa u dan-jire ah ee aan dalkiisa u aheyn mid wax ugu filan, Madaama dalkani dunida ka dalbanayo iney aqoonsato si uu uga mid noqdo Quruumaha Midoobey isla markaana ay u hesho xuquuqda kaga maqan dunidu halkay wax ku qaybsato, Taasina waxay u baahan tahay Dan-jire caadi ah oo halkii loo igmado ka soo dhalaala isagoo waliba geed dheer iyo mid gaabanba u fuula sidii uu dalkiisa u iib-gayn lahaa haday tahay dalka uu joogo iyo wadamada kale ee uu ku barto saaxada dibloomaasiyada, Una saamaxeysa danaha qaranka inuu si tuusa ugu tuuro beesha caalamka iyo cida u igman amuuraha caalamiga ah.

Somaliland waxay u baahan tahay ama ay tabeysaa oo ay aad uga ardan tahay Dan-jire u dib-jira danteeda aqoonsi raadis dhamaan dunidana ku leh ixtiraam iyo cisayn ama sharaf-akhlaaqeed ku tayeysan garashada shaqada loo diranayo ee Dan-jirenimo. Kaasoo ku qalabeysan una igman dalkiisa oon television cidna u soo fadhiisan, Aan dan gaara ka shaqeyn ta qaranka jamhuuriyada Somaliland mooyaane.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)
Diplomatic Annalism.
Gabiley/Somaliland.

Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured