Qorilugud News Media

Imaaraad Abaalkeedii Maxaa Lagu Gudaa?

0
Tuesday March 06, 2018 - 11:08:53 in Maqaallo by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraad Abaalkeedii Maxaa Lagu Gudaa?

    somalidu majeclo qoraaladda ama faalooyinka dhaadheer sida darteed waxan kusoo koobayaa hadalkeyga qodobo :

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

somalidu majeclo qoraaladda ama faalooyinka dhaadheer sida darteed waxan kusoo koobayaa hadalkeyga qodobo :


1 .Imaaraad waxay ufidisay taageero siyaasadeed dowladda fadralka XAMAR iyado safiir ugu magacowdey 2014 MAXAMED ALXAMADI.

2. Imaaraad waa dowlada kaliya caalamka ee wakhtighii SIYAAD BARRE siisey xamar 12 DIYAARADOOD o kuwa dagaalka ah walibana nooca loo yaqaano uu ingiriisku sameeyo ( Hawker Hunter)

3. Imaaraad waxay qeyb ka ahaayeen howlgalkii qaramada midoobey ee somaliya gurmadka loogu fidinaayey 1993-1994 ( howlgalkii raja soo celinta somaliya.

4. NOFAMBER 2014 waxay heshiis iskaashi milatari lasaxeexatay faderalka XAMAR taas oo lagu dhisay saldhiga milatari ee MUQDISHO ogaadana waxaa kaso qalinjabiyey wakhtigaas dufcadii ugu horeysay oo ahayd 222 sarkaal ee maanta ilaalisa xarunta madaxtooyada VILLA SOMALIYA.

 

5. Imaaraad 2015 waxay ugu deeqeen MAAMULKA JUBALAND tiradii ugu badneed ee gaadiidka dagaalka kuwa gaashaaman nooma loo yaqaano ( Reva Mk. II ) iyo kuwaas aysan karin qaraxyada kudar booyadaha biyaha dhaamiya oo tira ah gawadhi cabdibilayaal farabadn oo gaashaaman, tirabadan oo mootooyinka booliska ahna wey lasocdeen deeqdaas.

6.Imaaraad 2010 waxay maalgalisay sameysana ciidamada bada maamulka PUNTLAND iyadoo ugu deeqdayna sadex dayuuradood oo helkobtar ah nooca loo yaqaano kudar intaas waxay toos ubixiyaan una maal galiyeen ciidamada SIRDONKA maamulkaas.

7. Imaaraad waxay dhiseen cisbitaalo farabadan oo ku kala yaala dhamaan koonfurta somaliya waxa kamid ahna :

XAAFADA CABDICAZIIS XAMAR cisbitalkan o maalinkasta istiqbaala inkabadan 200 bukaan

KILO 4 waxa kuyaal cisbitalka xanaanada hooyooyinka iyo dhalaanka.

Afgooye

Marka

Beydhaba

intaaba waxay kawada sameeyeen cisbataalo iyo gargaar noocya kala duwan ahna wey gaarsiiyeen .

Somaliland Wax Saas Ah Kama Soo Gaadhin Imaaraadka Markastana Waan Lajecleen Walaaladeen Koonfurta Somaliya Kheyrka Ay Ka Helayaan Shisheeyaha.

Waxan Kusoo Khatimayaa Somali Waa Walaalo Siyaasada Hadey Dadka Kala Midab Uyeeshey Ogaada Waxaan Isbadalin ( Isirka Soomaaliyeed ) Kaas Ayaa Namideeya , Lajeclow Walaalkaa Kheyrka Isba Wuu Kula Rabee , Caalamkana Wixii Aan Wax Kahelikarnana Midba Dhiniciisa Haka Jaqo Yaan Leesku Fiirsan Aduunku Wuu Horumaree.

Guled maxamed warsame

Swedan

guledmahamad@hotmail.com


Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured