Qorilugud News Media

Kala Jaaha Mandaqadda Labada Barri , Hirdanka Militery iyo Dhaqaale Maxaa Ka Dhab Ah Maxaase Ka Been Ah?

0
Tuesday March 06, 2018 - 11:14:08 in Maqaallo by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kala Jaaha Mandaqadda Labada Barri , Hirdanka Militery iyo Dhaqaale Maxaa Ka Dhab Ah Maxaase Ka Been Ah?

    Ninba Ceesaantii Ceelka Keen—- Jibouti Waxay Si Wacan U Baratay Siyaasiyiinta Macasha Buuran Ee Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninba Ceesaantii Ceelka Keen—- Jibouti Waxay Si Wacan U Baratay Siyaasiyiinta Macasha Buuran Ee Somaliland

Qormo Aan Ku Eegayo Marxalad Ka Marxalad!

Nus qarnigii ugu danbeeyey adduunyadani aynu ku noolahay, waxaa ka dhacaayay isbedelo, jabaqda iyo dhawaqa hadalka qaarkood ka dheeraynayay.

27 sannadood ka hor sannadkan aynu ku jiro oo kale, waxaa soo gebo geboobay dagaalkii qabooba, ee dunida u kala jaray barri iyo galbeed.

Bishii October sannadkii 1962-kii, 13 maalmood ka mid ah dunidu waxay qarka u saarantay inay haliganto, ka dib markii midawgii Sovietka ee uu hogaaminaayay Nikita Khrushchev, ay gantaalo xanbaari kara hubka Nuclearka ku rakibeen jasiiradda Cuba oo 780 km u jirta gobolka Florida ee dalka maraykanka, maalmaha, waxaa dhacday in candhuufta raggii madaxda u ahaa barriga iyo galbeedka dunidu ay qaarkood qarka u saarantay inay fudad dhagax ah isku bedesho.

Wixii ka danbeeyey burburkii midawga Sovietka, waxaa dunida ka baxay isku dheelitirnaantii awoodda dunida ee loo yaqaanay (Bipolar polority).

30 kii sannadood ee la soo dhaafayna waxaa dunida hogaankeeda dhaqaale, siyaasadeed iyo militeryba sargoynaayay dalka maraykanka.

Tusaale ahaan sannadkii allah soo geliyaba, miisaaniyadda maraykanku ku bixiyo militerygu waa 524 Bilyan oo dollarka maraykanka ah, taasi oo ka badan miisaaniyadda ay sannadkii militeryga geliiyaan marka la isku darro dalalka Ruushka, China, Britain, Japan, India, Turkey, iyo France.

Sannadkii 1992 kii, sarkaal ka tirsana wasaaradda gaashandhiga ee dalka maraykanka oo loo yaqaanay Paul Wolftiz oo markii danbana noqday ku xigeenkii wasiirka gaashandhiga markii uu George W. Bush xilka hayay, laguna tiriyo inuu ahaa maskaxdii ka danbaysay dagaalkii Ciraaq, ayaa wuxuu dhisay istaraatijiyad siyaasadeed oo loo yaqaano (Wolfitz Doctrine).

Wallow Wolftitz Doctrine loogu tallo gallay inaanay soo shaac bixin, haddana saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashandhiga ee dalka maraykanka ayaa warbaahinta si qarsoodi ah ugu shaaciyay sagaashanaadka dhamaadkiisii markii uu madaxweyne Clinton xilka ka sii dagaayay.

Wolftiz Doctrine waxaa lagu xusay in adduunka laga ilaaliyo awood maraykan marnaba soo dhinac gasha, maraykankuna waa inuu noqda inta dunidu jirto, awoodda wax laga weydiiyo ee dunida kala sorgaysa (Hegemony power).

Biyaha Bedda Cas, Gacanka Cadmeed Iyo Hirdanka Dhaqaale

Biyaha gacanka cadmeed oo ka bilaabma geeska seddex xagalka u eg ee beriga Afrika, isla markaana galla kanaalka Suways ee dalka masar, waxaa sannadkii dhex mara maraakiib ganacsi oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 25000 (shan iyo labaatan kun) oo markab.

%11 shidaalka ama baansiinka dunidu hesho, wuxuu dhex mara gacanka yar ee loo yaqaano gacanka cadmeed, gacanku wuxuu kala qaybiya dalalka Yemen, Somaliland, Djibouti, iyo Soomaaliya.

%99 maraakiibta shiidaalka ee dalalka Sacuudiga iyo Emirateku waxay maraan khadka yar ee gacanka cadmeed.

Maxaa Qalaalasaha Geliyay Gacankii Cadmeed

Markaad ka timaado muhiimadda gacanka cadmeed, waxaa jira xiisado gun ilaa baar saameeyey mandaqadda biyaha bedda cas wadaaga, iyo qaar loo soo waariday.

Ethiopia iyo Masar waxay qarni badhkii ku hirdamayeen biyaha webiga buluuga ah ee Nile, kaasi oo muddo toban sanno ka hor ah ay dalka Ethiopia ka samaysay webiga Nile biyo xidheen weyn, Masar waxay geed dheer iyo ku gaabanba ugu jirta inay Ethiopia awooddeeda militery iyo awoodeeda dhaqaale wiiqdo, si ay meesha uga baxdo inay Webiga xidhaan.

Sannadkii 2013-2014 kii markii xukuumaddii Akhwaanku ay Masar qabsatay, telefishanka qarranka ee dalka Masar waxaa laga sii daayay, muuqaal anfariir iyo layaab ku noqday dadka siyaasadda ictiraaqa, waa madaxweynahii hore dalka Masar Maxamed Mursi iyo saraakiishii militeryga oo si cad uga wada xaajoonaya qaabka ay Masar u weerari lahayd dalka Ethiopia.

Arrimaha ay kulanka qarsoodiga inuu ahaado ahayd lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa, in Masar isticmaasho qoomiyadaha muslimiinta ah ee dalka Ethiopia, la siiyo hub iyo lacag, si ay Ethiopia gudaheeda qalaalase u geliyaan, iyo in la awoodeeyo Soomaaliya si hirdankii Ethiopia iyo Soomaaliya usoo laabto, awoodaynta Soomaaliyana loo isticmaalo dalalka khaliijka Carbeed ee Sacuudigu hogaamiyo.

Jibouti iyo Somaliland

Dalka Jibouti wuxuu xornimada ka hellay dalka faransiiska sannadkii 1977 kii ama si kale haddaan u dhigo, seddex sanno ka hor markii ururkii SNM lagaga dhawaaqay magaalada London ee dalka ingiriiska.

Unkidda xeebtii Soomaaliyeed ee Jibouti, ee Faransiisku gumaysanaayay, waxay ahayd riyo aan run noqon karin, marka loo eego juquraafi ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan, oo aanay Jibouti ahayn bugcad is bixin karaysay, haddaan kelmado kuwa ka fudud ku idhaahdo, Jibouti inay dal noqoto looguma tallo gelin.

Markii Jibouti la dhisay sannadkii 1977 kii, qasnadda dawladda Jibouti waxaa ku jiray 12000 oo Franc dalka Faransiiska ahaa, intii u dhexaysay 1977 kii ilaa 1986 kii dawladdii Jibouti waxay ku guul daraysatay inay dhaqaale ka hesho dalkeeda, 1994 kiina markii dalku gallay dagaalkii Ciisaha iyo Canfarta, waxaa gebi ahaanba burburay dhaqaalaha dalka siduu u dhana, waxaana Jibouti lagu yeeshay dan gaadhaysa ilaa 10 bilyan oo France Jibouti ah, oo ay ilaa hadda bixiyaan.

Maanta dakhliga sannadlaha ah ee lagu cabiro kala goynta inta dalka Jibouti kala soo degto dalka dibadiisa, iyo inta dalka Jibouti dhoofiyo, ama si kale haddii aan u dhigo (GDP), waa 3.4 Bilyan oo dollarka maraykanka ah.

%72 dhaqaalahaasi Jibouti wuxuu ka soo galla adeega (services), markaan leeyahay adeega, waxaan u jeeda waa dakhliga ka soo galla dekedda, iyo lacagaha kirooyinka ay uga qaataan saldhigyada militery ee maraykanka, Faransiiska iyo China.

tusaale ahaan sannadkii 2016 ilaa 2017, dekedda Jibouti waxay qasnadda ku soo xaraysay dhaqaale dhan 615 milyan oo dollarka maraykanka ah.

Sannadkii 2011 kii waxaa burburay khadkii tareenadda ee isku xidhi jiray dalka Ethiopia iyo Jibouti, dhaqaalaha ay Jibouti hesho wuxuu %50 ka soo galla dalk Ethiopia, oo %95 isticmaala dekedda Jibouti.

Wixii ka horeeyey 2013 kii, Ethiopia waxay allaabta kaga soo guri jirtay dekedda Jibouti khad tareen ah, dakhliga dekedda cusub ee Jibouti wuxuu u kordhiyay dawladda Jibouti %58, markii shariikadda DP World ay sannadkii 2009 kii la wareegtay.

Dib u celi xusuusta sannadkii 1980-kii Maxamed Siyaad Barre iyo Xasan Guuleed abtidoon madaxweynayahii dawladdii militeryga ahayd ee Soomaaliya iyo Jibouti, waxay heshiis qarsoodi ah ku galleen in la hakiyo dibu balaadhin dawladdu maraykanku doonaysay inay ku samayso dekedda magaalada Berbera.

Ilaa sannadkii 1980 kii, ila wakhtiga xaadirka ah, Jibouti xidhiidh kasta oo ay Somaliland la lahayd dantiisa koobaad waxay ahayd inay ka ilaaliso Somaliland sidii aan dekedda Berbera ula tartami lahayn dekedda Jibouti oo juquraafi ahaan ah ta ugu dhaw mandaqadda.

Laba arrimoodba Jibouti way uga cabsi qabta in dekedda Berbera ay dekedda Jibouti fadhiisiso, waa mida koobaad eh, Somaliland waa dhul bed ahaan ka balaadhan dalka Jibouti, (geographical) waa marka labaad eh dekedda Berbera way uga toosantahay maraakiibta markay ku soo xidhanayaan, ta Jibouti, waa midda seddexaad eh, dhaqaalaha marka la cabirayo waxaa la cabira cadadka dadka (demographic), dadka reer Somaliland way ka tiro badanyahiin dadka Jibouti ku nool, waa mida afraad eh, Somaliland cimilo ahaan way ka fiicantahay Jibouti.

Djibouti weligeed aqbali mayso dal la yidhaahdo Somaliland oo daris kala noqda cidhifka koonfureed, waxaana ay ka xigta geeri, Somaliland ayeyse u taalla dhisidda siyaasaddii ay kula noolan lahayd dal la yidhaahdo Jibouti oo ka xiga cidhifka waqooyi, Jibouti waxay isticmaashay isticmaalina doonta xeelad iyo xoog kasta oo ay kaga ilaaliso Somaliland inay Dekedda Berbera horumar la raadsato, mar ay Baasaboorkooda ku nacaseeyaan siyaasiyiinta Somaliland, iyo mar ay siyaasiyiinta laftigooda ku kala baayacaan kumanaankun dollar, Jibouti way taqaana oo si cad ayey u taqaana una baratay siyaasiyiinta macasha dheer ee Somaliland mucaarid iyo muxaafid.

Mohamed AMohammed Abdi Hassan Diridhaban Diridhaba



Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured