Qorilugud News Media

Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Xidhay Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar.

0
Tuesday March 13, 2018 - 11:28:48 in Wararka by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Lagu Xidhay Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar.

    Hargeysa(QorilugudNews)- Illaa 17 Dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu xiray magaalada Qaahira ee dalka Masar, kaddib markii Ciidamada amniga ay u dhaceen maqaayad ay ku sugnaayeen oo ku taala Xaafad ay u badan yihiin Soomaalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(QorilugudNews)- Illaa 17 Dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu xiray magaalada Qaahira ee dalka Masar, kaddib markii Ciidamada amniga ay u dhaceen maqaayad ay ku sugnaayeen oo ku taala Xaafad ay u badan yihiin Soomaalida.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar ayaa sheegay in dhalinyaradan laga xidhay degmada Nasr City oo ay aad ugu badan yihiin Soomaalida, Dadka la xidhay ayaa isugu jiray kuwo qaxooti iyo Arday, waxaana ku jira wiil asalkiisa Soomaali yahay, balse heysta dhalashada Mareykanka.

Ciidamada xiray dhalinyaradan ayaa dadka weydiinayeen sharciyada ay ku joogaan dalka Masar, Dowladda Masar ayaa muddooyinkan waday howl galada ka dhanka ah dadka ajnabiga ee aan heysan sharciga degenaashaha ee dalkeeda, Soomaali fara badan ayaa ku nool dalka Masar, kuwaasoo ay ku jiraan Arday wax ka barta Jaamacadaha dalkaas.
Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured