Qorilugud News Media

Hakinta Basasha Dalka Soo Gasha

0
Thursday May 03, 2018 - 11:46:00 in Maqaallo
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hakinta Basasha Dalka Soo Gasha

    Waxaa la gelayaa bisha barakaysan ee Ramadaan. Xilligan oo kale waxa aad u bata isticmaalka khudradda, gaar ahaan ta dheriga lagu daro, maadaama oo cuntooyin dheeraad ahi soo kordhaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la gelayaa bisha barakaysan ee Ramadaan. Xilligan oo kale waxa aad u bata isticmaalka khudradda, gaar ahaan ta dheriga lagu daro, maadaama oo cuntooyin dheeraad ahi soo kordhaan.

Basashu waa ay ka mid tahay khudradaha isticmaalkoodu sida aadka ah u kordho; saambuusaha oo aad xilligan loo isticmaalo ayaana sababaha ka mid ah.

 

In si wax-soo-saarka gudaha loo dhiirrigeliyo la xakameeyo wax-soo-dejintu waa tallaabo aad u muhiim ah, laakiin taxaddar iyo cilmiyeyn badan u baahan. Wasaaradda Ganacsiga JSL waxa ay soo saartay go’aan ay ku hakinayso basasha dalka ganacsi ahaan loogu soo dhoofiyo, si loo dhiirrigeliyo suuqa iibsiga basasha dalka ka soo go’da. Waa tallaabo fiican, laakiin aanay wasaaradda ganacsigu kelideed go’aan ka gaadhi karin, haddii aanay la kaashan wasaaradda beeraha.

Wasaaradda Beeraha ayaa marka hore laga rabaa in ay soo saarto daraasad cilmiyeysan oo ay ku ogaatay in basasha dalka ka soo go’aysa sannadkani ay ku filan tahay suuqa (Iyada oo Ramadaantana niyadda ku haysa). Markaas kaddib ayaa uu imanayaa go’aanka wasaaradda Ganacsiga oo aan ahayn go’aan keliya, balse laga rabo in ay raaciso tallaabooyin ay kaga hortegeyso in basashaas la hakiyey suuq madow ku soo gasho dalka.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa muhiim ah in go’aanka wasaaradda ganacsiga ee hadda soo baxay aanu keenin laba arrimood labadaba ama midkood:

1 In basasha dalka ka soo go’daa ku filnaan weydo suuqa oo ay taasi keento in qiimuhu qaaliyoobo, culaysna ay ku keento muwaadiniinta oo marka horeba suuqu aad ugu kulul yahay.

2 In aanay ka dhalan in basasha dibadda ee la hakiyey ay kontarabaan, suuqa madow ku soo gasho, taasina aanay keenin laba khasaare oo ah; suuqii oo qaaliyooba iyo suuqii loo rabay basasha gudaha oo aan la helin. Iyo dabcan dawladda lafteeda oo halkaas ku weyda cashuurtii basasha.

W/Q:Kamaal A. Ali



Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured