Qorilugud News Media

Duulkii Iinkaar Qaba Jinbaa Daasado U Tuma[:-Safwaan Sacad Ahmed-cowl]

0
Sunday May 06, 2018 - 00:30:05 in Maqaallo
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duulkii Iinkaar Qaba Jinbaa Daasado U Tuma[:-Safwaan Sacad Ahmed-cowl]

    Hadii aanay bulshadu dareensanayn Awoodooda iyo yagu kuway yihiin oo ay is Waayaan waa lakala qaybsadaa qof walba oo Dan lihi in buu meel ku xidhaa garaadkodana Gumaystaa gumaysigu maaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadii aanay bulshadu dareensanayn Awoodooda iyo yagu kuway yihiin oo ay is Waayaan waa lakala qaybsadaa qof walba oo Dan lihi in buu meel ku xidhaa garaadkodana Gumaystaa gumaysigu maaha in meel shishe Lagaaga soo duulo oo qudha laakiin gumaysiga Ugu weyni waa ka garashada lagaala Dagaalamo tan iyo 1991kii dalka somaliland La yidhaahdaa wuxuu soo maray marxalado Kala gedisan kala adag oo kala jaanisyo Badan ayuu soo maray marka la qiimeeyo Geediga heensaysnaa ilaa xiligaa iyo intuu Guuray ma aha masaafadii ay ahayd inuu Gooyo xitaa maaha qiyaastii rubuc boqolkiiba! 

Marka wiil ku guro Naarta iyo, godadka Yaahuuda 


Ayay kii Jannada geyn lahaa, dayasho goobtaaye !!!  

Sababta ay taasi ku dhacdayna maaha eed ay Leedahay umadu ee waxa aan marnaba jirin Hogaan u diyaar ah inuu rumeeyo hiigsiga Shacabka iyo horumarintiisa waxa uu hogaan Waliba ku hawlanaa siduu umada u hanan Lahaa isagoon horumarin waxna aan u qaban Waana ay u suurta gashay inay taasi dhacdo waayo maanta Cidina qabiil iyo wax la mida waxba kumay Doorateen hadaan la gayaysiin lana gaadhsin umadu inay yadu gondaha isqabato gawraceedana ka taliso ! 

 Hal Xaaraani Nirig Xalaala Ma Dhasho !!! 

Umadu cadaalad bay wada doonaysaa Hadana ma moodaysid in qofna u Baahanyahay cadaalad markaad aragto say U dhaqmayaan ama wax u doonayaan gabood Falka ay yagu isu gaystaan ayay hadana Dhamaheeda hogaanka u nisbaynayaan Cadaalada aad doonayso inaad hesho qof Kugu qasbaa ma samayn karee umadyahay Adigu dhabaha u xaadh saad cadaalad sinaan wada Noolaansho iyo horumarba u gaadhi lahayd ! 


 Maskaxdaadu yay noqon, 


Maqal lagula leeyahay, 

Yaan toban muftaax iyo, 

Lagu furan masaabiir,! 

 Waxaad shalayto mudatiyo, 


Mahadhada xusuusnoow,! 

Halkii qorigu kaa muday, 

Mar labaad lugtaadiyo, 

Cagtu yaanay kula marin,!!! 

 Safwaan Sacad Ahmed-cowl
 
NAF WALAYBA ALLAHAA SUG 

Stockholm Sweden  

Email-Safwaan112@gmail.com

Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured