Qorilugud News Media

Waddada Ceerigaabo Waa Saaddaal Rumoowday

0
Wednesday May 09, 2018 - 15:27:10 in Maqaallo
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddada Ceerigaabo Waa Saaddaal Rumoowday

    Jidka isku Xidha Burco iyo Ceerigaabo waxaa dhererkiisu gaadhayaa 360km Marka lagu darro 60km oo ah Meesha laga Qaaday waddada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jidka isku Xidha Burco iyo Ceerigaabo waxaa dhererkiisu gaadhayaa 360km Marka lagu darro 60km oo ah Meesha laga Qaaday waddada

Isku tashigga bulshaddu Wuxuu bidhaamiyaa himillo iyo horumar taam ah, oo ay Ma'hadiyaan jiillal badan,

lkn Horumarka bulsho Higsataa Wuxuu u baahanyahay Hoggaamiye adag oo leh Hal-Abuur iyo Hamno dheer oo uu kaga Midho dhaliya Himillada Shacabka.


Markii U taladda, dalka Haaneeday Madaxweynihii horumarka, Somaliland Ahmed (Siilaanyo) Waxaa lagu dhiiraday In la'dhiso Jidka isku Xidha Burco iyo Ceerigaabo oo ay Ka Maaggeen, dowladihii badnaa ee dalka Soo Maray Illaa Maxmiyaddii Ingiriiska iyo Jamhuuriyaddii Soomaalida ee burburtay (1991).
Jidka isku Xidha Burco iyo Ceerigaabo waxaa dhererkiisu gaadhayaa 360km Marka lagu darro 60km oo ah Meesha laga Qaaday waddada ee tuuladda INA afmadoowe oo dhinaca bari Burco ka Xigta 60km.


 
Jidkan waxaa lagu dhisay Canshuurta laga qaado dadka reer Somaliland, Wuxuuna Marayaa Marxaladii u danbaysay oo ah dhamaad Mashruucan oo ah kii Ugu Waynaa ee Somaliland laga hirgeliyo (27)todoba iyo labaatankii Sanno ee Somaliland jirtay.

 
Shacabka Gobolka Sanaag ayaa go'doon ka ahaa Somaliland Inteeda kale Waxaana Khayraadka gobolka ka Faaiidaysanjiray Meela kale oo loo dhoofinjiray Wax Soo Saarka gobolka Sanaag, dhinaca Kale gobolka Sanaag ayaa ah Gobolka Qaniya Waxaana ku yaalla Buuraha Caanka ah ee Daallo iyo Surad Sidoo kale Wuxuu gobolku Caanku Yahay waxa yaabbo ay ka Mid yihiin Beeyyada iyo Faleemka.
 

Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured