Qorilugud News Media

Liidashada Aqoonteenna! W/Q: Xamse Tudhaale

0
Thursday May 10, 2018 - 09:24:58 in Maqaallo by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liidashada Aqoonteenna! W/Q: Xamse Tudhaale

    Inta aanan gudo galin falanqaynta iyo dul istaaga Mawduucan, aan marka hore isla fahano Aqoon.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta aanan gudo galin falanqaynta iyo dul istaaga Mawduucan, aan marka hore isla fahano Aqoon.


Aqoontu waa xog iyo xaqiiqooyin lagu helay Khibrad ka dhalatay tijaabo, ama lagu kasbadayba nidaam waxbarasho, taas oo lagu ogaanayo aragtida shaygaas iyo sida uu u shaqeeyo.


Sidoo kale aqoontu waa wacyigelin laga dhaxlo khibrado uu jiilba jiil u soo dhiibayay.

https://en.wikipedia.org/wiki/ Knowledge

Ka Muslim ahaan Waxa aynu Aqoonsahay in uu Waxyigu yahay Aqoon Alle dhankiisa inooga timid oo uu inoogu soo dhiibay Rususha iyo Nabiyada; Aqoontaas oo xambaarsan habdhaqan, Hanuun dhab ah, Dawo ruuxiya iyo mid jismiya (Jidheed) iyo dastuur loogu talo galay in uu Aadamuhu isku dhaqo. Aqoontaasna waa Quraanka Kariimka ah iyo Axaadiista Saxiixa ah ee Nabi Muxammed (C.S.W) laga soo wariyay.

 

Intaas marka aynu kaga nimaadno qeexitaanadan kala duwan ee Aqoonta ku saabsan waxa aan toos ugu guda gali doonaa Ujeedkayga iyo dulucda mawduucaygan aan ka hadlayo ee uu ciwaankiisu yahay LIIDASHADA AQOONTEENNA!

Mawduucaygana waxa uu diirada si gaar ah u saaraya oo uu shiishaya Aqoonta Maadiga ah, maadaama ay ta diiniga ahi xumaan iyo liidashaba ka nasahan tahay.

Dhagaheena waxa in badan ku soo noqnoqda marka laga hadlayo hanaan waxbarasheedkeena, Aqoontii ayaa tayo beeshay oo waxa aynu baranayno maaha mid wax isbeddel ah inoo horseedaya!, Fikirkayga haddii aan ku soo ururiyo mawduucan waxa aan odhan karaa liidashada Aqoonteenna waxa hor kacaya dhawrkan Qodob oo aan mid mid u sababayn doono una dul istaagi doono.

1.Manhajka:Waxa aynu ognahay in uu Manhajku yahay kaydka Aqoonta lagu basriyo laguna xafido si loogu soo gudbiyo Jiilka; kaas oo ah Isha kaliya ee lagu habo cid walba oo la rabo in laga dhaadhiciyo loona soo gudbiyo oo la dhaxalsiiyo Aqoon gaar ah ama mid guud.

Halka ugu horraysa ee ay Aqooneenu ka liicdayna waa Manhajka oo aan ahayn mid ka turjumaya baahideena Dhaqan-Dhaqaale, Dhuleed iyo Fikireedba.

Kaas oo badankiisu yahay mid ammaano inagu ah oo aynu ka soo daabulanay Dalal kale oo aynaan Dhaqan iyo Dhul toona wadaagin.

2.Fikirkii Loo Baranayay Aqoonta oo Qalloocday:Waxa aynu ognahay in Arday badan oo Jaamacadaha Iyo Dugsiyada dhigtaa ay wax u bartaan in ay helaan lacag oo ay ka sameeyaan dakhli, taas oo ah fikir aad u xun oo sababaya in aanu qofku si fiican u dhugan Aqoonta uu baranayo, hadhow marka uu dhammeeyo heerkiisii waxbarashana ku kalifaysa in uu noqdo calooshiisa u shaqayste haddii uu shaqo waayo ka carara oo hayaama Dhulkiisa, waana ta Maanta ina haysata. Lacag qofku waxa uu samayn karaa isaga oo aan marin nidaamka waxbarashada, Ujeedka Aqoontuna waa in xal loo helo mashaakilka kala duwan ee Noolaha haysta; kumana koobna Lacag kaliya.

3.Nidaamkeena Waxbarasho oo aan Jaangoyn lahayn:Nidaamka waxbarashadu (Education System)waa hanaanka uu qofku ku kasbanayo Aqoonta uu rabo oo ah Dugsiyada, Jaamacadaha iyo dhammaan goobaha waxbarashada. Haddaba waxa jirta joongoyn la’aan ku saabsan dhanka nidaamkeena waxbarasho, kaas oo lagu jaangooyo oo kaliya Fasalo, balse aan la joongoyn natiijada laga rabo fasal walba; oo ay macnaheedu tahay Ardaygu marka uu fasalkaas yahay ama heerkaas waxbarasho gaadho, waa maxay Natiijada Aqooneed ee uu haysan karaa? Waxa aanad arki kartaa in uu Nidaamkeena waxbarasho xoogga saaro Fasalada ama heerka loo gudbayo balse aanu xoogga saarin natiijada laga rabo fasal walba ama heer walba.

4.Goobaha waxbarashada oo aan lahayn Aragti kulmisa:Aragti marka aan leeyahay waxa aan u jeedaa in la is weydiiyo qof noocee ah ama Arday noocee ah ayaynu u baahanahay in aynu soo saarno, taas oo keenaysa in meel la iskugu keeno aragti laga siman yahay oo ay goobaha waxbarashadu ka siman yihiin taas oo ah in qofku goob kasta oo uu tago uu soo baxayo ugu danbaynta ciddii loo baahnaa in uu noqdo, tan haddii aan laga fikirina waxa soo bixi doona sida aynu immikaba ifafaalaha ka haysano Dad nidaam waxbarasho oo kala duwan soo maray kuwaas oo wata aragtiyo is hirdiyaya oo keena ugu danbaynta hagaas iyo hirdan Ummadeed.

5.Macalimiinta oo aan tayaysnayn:Macalinku waa cidda kaliya ee turjumaanka ka ah Manhajka Bulsho dajisato, hannaanka uu u soo gudbinayaana waxa ay ku xidhan tahay heerkiisa Aqooneed ee uu marka horeba u leeyahay waxan uu dhigayo; taas oo jaangoynaysa natiijada ay ardaydu ka dhaxli karaan, qaabka uu u dhigayo waxa uu dhigayo. Inta badana xoogga ma saarno kamana warqabno in uu macalinku yahay ka soo saaraya Jiilka la rabo in ay Bulshada u soo baxaan, waana buundada isku xidhaysa isna gaadhsiinaysa Manhajka iyo Aradayga.Haddii aan la siin tabobaro tayaysan oo kala duwan; kuwaas oo ka dhisaya dhinacyo kala duwan, dabagal joogto ahna lagu samayn, waxa imanaya baylah iyo balanbal ay dhaxlaan Jiilka la rabo in la soo saaro. Macalinku in uu dhisnaado Diin ahaan iyo Maadi ahaana waa mid muhiim ah, oo ku hagaysa macalinka in uu isa saaro masuuliyad dheeraad ah, noqdana mid ku dayasho wanaagsan u noqda Jiilka uu soo saarayo.

6.Xirfad Gacmeed la’aan:Xirfadduhu waa laba nooc oo kala ah:

·Xirfad Caqliyeed (Mind Skills/Soft Skills)Tusaale ahaan Hoggaamintu waa xirfad caqliyeed, lamana taaban karayo sida loo qabanayo balse waxa la arkaa natiijada ka soo baxda oo noqota mid wanaagsan ama mid xun.

·Xirfad Gacmeed (Technical Skills)Tusaale ahaan in uu qofku sameeyo koombuutar (Computer) waa mid la arki karayo sida loo samaynayo natiijadeedana la taaban karayo.

Waxa aad mooddaa in aynu ku dedaalnay barashada xirfaddahan caqliga la xidhiidha ee kala duwan, kuwaas oo ay iska kooban yihiin goobaha lagaga shaqayn karayaa ama se aanu qofku inta badan samaysan karin shaqo Abuur iskii uu u tafaxayto.

7.Luuqadda:Luuqaddu waa halka uu ka bilaabmo xidhiidhka iyo isfahamka u dhexeeya Aadmigu, haddii la waayo luuqad la isla fahmayana waxa dayacma wax badan oo bulshadaas baylah ka noqda, dhan Aqooneed iyo dhan Dhaqanba.

Waxyaabaha carqalada ku noqda Ardayda Dugsiyada iyo Jaamacaduhuna waa Luuqadan badanka wax loogu dhigo oo ah Luuqada Ingiliishka (English Language), taas oo ka hor istaagta arday badan in ay la soo baxaan mucda iyo macnaha ay xanbaarsan yihiin Manhajyada kala duwan ee loo dhigayo. Taas oo ay kalsooni darro ka qaadaan Arday badan oo kala duwani.

8.Goobaha Waxbarashada oo aan lahayn Badankood Meelihii TIjaabooyinka Aradaydu ku samayn lahaayeen:Dugsiyada iyo Jaamacaduha badankoodu ma laha Deegaankii Ardaygu ku tijaabin lahaa Aragtoda ama xogta loo dhigay (Theory), taas oo uu ku hibinayo xaqiiqada waxa loo dhigay, isaga oo maraya nidaamka tijaabada (Practical). Tusaale ahaan Ardaygu marka uu wax ka baranayo Caafimaadka gaar ahaan qaybta shaybaadhka ama qalliinka, ma helo qalabkii uu ku tijaabin lahaa wax loo soo dhigay ee uu Maankiisa iyo Gacantiisaba ku qancin lahaa kuna carbin lahaa. Tani waxa ay keentay in aynu aragno Arday badan oo xogtii haysa balse aan garanaynin qaabkii looga shaqaysiin lahaa xogtaas, taas oo ay macheedu tahay qof loo dhigay sida loo dabaasho balse aan la tusin bad iyo goob lagu dabaasho midna!!!

Dhammaan qodobadan aan soo xusay, waxa ay qayb wayn ka qaateen in ay Aqoonteenu noqoto mid liidata oo waxsoosaarkeedu yahay mid aan saamayn ku yeelan karin cidda baratay marka laga yimaado Bulshada inteeda kale in uu qofku saameeyo, waana sababta aynu Maanta u aragno dadyow fara badan oo sita shahaadooyin aad u fara badan, balse ugu yaraan aan falanqayn karin ama Deegaankooda ku dabaqi karin wixii ay soo barteen.

Ugu danbayn waxa aan Qoraalkaygan ku soo gunaanadayaa dhawrkan qodob ee Talo soo jeedinta ah:

1:In Manhajkeena si qotodheer looga baaraan dago oo toos loogu saleeyo baahideena inoo gaar ah ee Dhaqan-dhaqaale, Dhul barasho, Taariikh Barasho, Xirfad barasho, Maan iyo fikirba kobcin.

2:In Dhammaan Ardayda laga dhaadhiciyo wacyigelina loogu sameeyo in Aqoontu ka balaadhan tahay dhuuniga wax la mariyo oo lagu xamaasho, balse ay tahay xal dhan oo la rabo in Ummaddeena lagaga saaro saranseerka waayaha ee kala duwan.

3:Nimdaamkeena Waxbarasho(Education System)oo la jaangooyo, fasal walba iyo heer walbana la sii falkiyo lagana fikiro natiijada loo baahan yahay in uu qofku haysto marka uu gaadho fasalkaas ama heerkaas. Tusaale ahaan Markaa uu Ardaygu Dugsiga sare dhammeeyo in uu yeesho xirfado gaar ah oo uu ka dhisan yahay, Ardayga Jaamacaduna lahaado xirfado uu kaga duwan yahay dhammaan Ardayda kale.

4:In Ay Wasaaradda Waxbarashadu samayso siyaasad lagu jidaynayo Aragti guud oo ay ka siman yihiin dhammaan Goobaha Waxbarashadu, taas oo ah cidda la rabo in la soo saaro nooca ay u eekaan doonto ama noqon doonto. Si ay u soo baxaan Jiil aan mustaqbalka is afgaranwaa Dhaqan iyo Aqooneedba uga dhex dhicin.

5:Macalimiinta oo ay Wasaaradda Waxbarashadu u samayso Tabobaro kala duwan oo ka dhisaya dhinacyo kala geddisan, sida Hab-fikirka, Hab-dhaqanka iyo dhammaan waxyaabaha kala duwan ee lagu soo saari karo Macalin ay Tayadiisa Dhaqan iyo Aqooneedba ay aad u sarrayso. Sidoo kalena Mushaharaadka iyo dhaqalaada Macalinka si gaar ah u kobciso ugana war hayso.

6:In la dedejiyo dhisidda Dugsiyo iyo Jaamacado si gaar ah loogu dhigo Farsamooyinka kala duwan ee gacanta laga qabto laguna shaqaysto, taas oo hormood u noqonaysa in la helo Dhallinyaro la soo baxa hal-abuurnimocajiib ah, curiyana qalabyo kala duwan oo tiknoolajiyada horumarkeeda iyo waxsoosaarka Warshadahaba qayb weyn ka qaata.

7:In heer kasta oo ay le’eg tahay hawsha ka soo gaadhaysa in luuqaddeena lagu turjumo dhammaan Aqoonta aynu u baahanahay ee ina anfacaysa Wasaaradda Waxbarashadu dhabarka u ridato, soo ururisana Khubaro inaga dhexdeena laga doorto oo samaysa eray bixinta loo baahan yahay ee ka maqan qaybo badan oo Afkeena ah, aadna loo dhiirrigeliyo horumarinta Afka; xooggana la saaro Barnaamijyo lagu horumarinayo oo eray bixino kala duwan lagu baadi goobayo.

Xamse Siciid Maxamed (Tudhaale)

Aasaasaha Akaademiga Tudhaale (Tudhaale Academy)

Mobile: 0634410163


Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured