Qorilugud News Media

Dimuqraadiyadda iyo Somalilaan ... W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle

0
Thursday May 10, 2018 - 09:27:09 in Maqaallo by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dimuqraadiyadda iyo Somalilaan ... W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle

    JFK wuxuu hore u sheegay in Dimuqraadiyaddu aanay dhamays ahayn Xoriyadduna ay dhibaatadeeda wadato, marka laga reebo Kitaabka Alle oo cid isku xukuntaa aanay jirin dunida korkeeda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JFK wuxuu hore u sheegay in Dimuqraadiyaddu aanay dhamays ahayn Xoriyadduna ay dhibaatadeeda wadato, marka laga reebo Kitaabka Alle oo cid isku xukuntaa aanay jirin dunida korkeeda,

 ilaa iminka wax Dimuqraadiyad dhaama lama hayo. Saddexdeena Xisbi waynu wada ogayn waxay dhiiqi doonaan, waxaynu ku heshiinay baa caynkaa noqday, waxaase bushaaro ah in aan Xisbina weligii ogolaanshaheena la'aantii aanu kursiga joogi doonin, waxaa khatar ah in caqliga shisheeye kaa galo oo si Sal fudayd ah aad sidii lo'dii carabta naarta ku qamaamto, Somaalilaan iyo dadkeedu wax badan bay karaan haddii ay si togan u fekeraan, cadowgeeda iyo kuwa ficil hinaasayna xag bay u deyn lahayd.



Dal iyo Umad Dhakhtarkeeda iyo Injineerkeedu ma dhiso, waxa hore mariyaa waa Siyaasigeeda, Siyaasiyiinta iminka ina hogaaminaya ayay tahay inay sida ay Siyaasadda iyo Siyaasiyiinta ku korin karaan falowgeeda qabtaan. Siyaasadda Maaliyadda iyo Bangiga rajo ayaa kasoo muuqata, waxaase jirta in tii Debeddu weli tebeyso Dr Samatar iyo Muuse Buurdhaab. Gudiga Siyaasadda ma u baahanahay?.

Sanaddihii 1997/98kii oo aan ku noolaa Dubendorf, Switzerland, waxaan Cilmi baadhis ku sameeyey Saxaafadda iyo Siyaasadda Maraykanka, waxaan aad ula socon jirey Telefishinadda ABC, NBC iyo CNN, waxaan xuuraami jirey Barnaamijka caawa iyo Jay Leno oo uu Cali Xaraare soo xaday isagoo aan Xuquuqda weydiisan, xitaa Ninka u qosla wuxuu kasoo qishay Jay Leno, waxaan isagana daawan jirey Larry King oo isagana uu Cali Xaraare kasoo eegtay labada Suun ee uu garbaha gashado,waxaan aad ula socon jirey Christiane Amanpour oo madax u ahayd weriyayaasha debeda warka uga soo tebiya CNN, waxaan macaamiil ka ahaa Newsweek iyo TheTimes. Waxaan sii ogaan jirey waxa uu noqondoono shirka jaraa'id ee Aqalka Caddi qabandoono iyo waxay ku hadlidoonaan inta badan, waxaan iskaga hadhay markay Siyaasaddii fashilantay ee sidaa Caliba yeelay laysu badheedhay, wuxuu Weriye Cali sheegay in dp world ka shaqayso meelaha dhibaatooyinku ka jiraan inagoo og inay dekedda London maamusho, wuxuu kaloo hore u sheegay in Xidigaha Geeska Fanaaniinta darafyada uun laga saaro inagoo og in Maxamed Bk iyo Yurub laga saaray. Waxaannu aniga iyo Xaraare oo iminka Armaajo u shaqeeyaa isku raacsanahay in Inantaa reer Suldaan lasoo daayo, waxaanse ku darsanayaa in qofkii reer Somalilaan ah ee ilaawa wixii maatideena Ilmo ka dhacday ee intay Xamar tagaan u Ilmeeya midnimo, in inta aan la xidhin Dhakhtarka maskaxda lasoo mariyo, haduu qof yar yahayna waa in Waalidkii Dhakhtarku waraysto.

Ayaamahan waxaa taagan muran ah sida loo qabanayo xafladda 18ka May, hadalkana waxaa keenay Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyadoo Dadweynaha iyo Ciidamadda loo tudhayo, malaha waxayba ku wanaagsan tahay in 18ka May Gobol waliba xaflad kooban ku qabsaddo Khayriyaddiisa, Cutubyo Ciidamo ah oo Calanka Salaama, Baanboyda oo hurdadda inaga tunta,Ubaxa wadanka oo sadex midab leh, khudbado lagu xasuusto in maalintani 1da Luuliyo (1da July ) ka dawo tahay iyo Wasaaradda wacyigelinta oo waajibkeeda gudata, 26ka Juunna intaynu intaa ku celino weliba aynu Qaldaannimadeena qirano.

W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle
bogleh69@gmail.com
Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured