Qorilugud News Media

Tamar Darida Dawlada Tacadiga Is Gaadhsiinta Iyo Talo Laa'anta Shacabka

0
Friday May 11, 2018 - 11:35:40 in Maqaallo
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tamar Darida Dawlada Tacadiga Is Gaadhsiinta Iyo Talo Laa'anta Shacabka

    Aduunyada may dhicin kamana dhacdo in shaqsiyaad lacag isku darsaday ama shaqsi hanti lihi intuu [Satellit] la xidhiidho inuu shirkad is gaadhsiineed furto se somaliland way ka dhacday kana shaqaysaaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aduunyada may dhicin kamana dhacdo in shaqsiyaad lacag isku darsaday ama shaqsi hanti lihi intuu [Satellit] la xidhiidho inuu shirkad is gaadhsiineed furto se somaliland way ka dhacday kana shaqaysaaba
Dadkaan La Hadlayaabaan Lahayn Dux Iyo Iimaan

Shirkadaa is gaadhsiinta ee caalamka waxa Hawada ka kiraysa dawlada ay markaa ka Dhex adeegayaan awooda [Satellit] lagula Xidhiidhaayana waxa leh isla dawladaas si ay Majaraha ugu hayso una hagto sharciyada iyo Qawaaniinta u yaala dalkaas !


Anuunbaa Damqanqanaqee Dhaguu Uma Daloolaan

Shirkadaha is gaadhsiinta ee somaliland ka Jiraa ee madaxa banaani markaan been la Sheegayn waa awood la mida ta dawlada Hadaanay kaba awood badnayn saynu hore u Aragnay iminkana aragno ma jirto amar Dalwlada ka soo baxay oo bulshada ay Shirkaduu dhiig miirteen loogu danaynaayo Oo fulay arinkuna waa maskaxdii fekertaba Tii ka daba fekeri lahayde arin kastana ka Burin lahayd waa diyaar ileen awood
Kala xadaynaysaa ma jirtee !

Dhacdadii Ugu Yaabka Badnayd

Bishii sadexaad waxa ay dawladu soo rogtay Amar ah in shirkadaa is gaadhsiintu Joojiyaan wixii boqol doolar ka yar is Ticmaalkiisa si kor loogu qaado shilinka
Dalka bal u fiirso way fekertay dawladii Shirkaduuna way fekereen waayahay bay Yidhaahdeen si ay yagu u ahaadaan kuwa Mar walba macaasha waxay daabacdeen lacag Somaliland shiling ah oo massage ah xadna Aan lahayn markii hore boqolka doolar ee la Isticmaalayay qofbaa u dhiibanaayay iminka Qofkii lacagtiina way ka qaadanayaan lacag Si dhib yar oo maskax ah ku soo gashayna way U xarxariiqayaan cajiib !

Wixii ku dileed ogtahay
Wixii ku dagee'ad taqaan
Dabkii ololee ku gubi
Waa laga durkaa !!!

1-Ma jirtaa meel ay dawladu kaga iibisay shirkadaa is gaadhsiinta lacag somaliland shiling ah ?!

2-Ma jirtaa in go'an oo ay kala iibsadeen looguna tala galay inay suuqa ku wareegtaa ?!

3-Ma cayimanta lacagta massage ka ah ee somaliland shiligka ahi mise camputerkaa inoo rogrogaaya ?!

Intaa midina ma jirto dawlada iyo Shacabkaba lacagtii waraaqaa ahayd ee ay Haysteen way ka baxday suuqa wax kala Iibsiga waxaana shaqaynaysa lacag massage Ah oo Camputer kala hagaayo intii la doonana Lugu qoraayo oo ah lacag cusub oo shaqsiyaad Daabacdeen !

Maadaamaynu arkayno awooda dawladeena Miyaan ahayn in caqligu ina shaqeeyo oo aynu Ku tala galo saynu uga bixi lahayn boobkaa Cad ee waliba aan cid la xisaab tamaysaa jirin in garab la siiyo mooyee ?!


Safwaan Sacaadadiin Ahmed

Stockholm Sweden

Email-Safwaan112@gmail.com

Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured