Qorilugud News Media

"Somaliland Waxay Soomaalida Kale Dheerayd Guurtida, Guurtidiina Laaxinbaa Galay Hada" Siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Golaha Guurtida.

0
Tuesday May 15, 2018 - 21:34:15 in Wararka by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somaliland Waxay Soomaalida Kale Dheerayd Guurtida, Guurtidiina Laaxinbaa Galay Hada" Siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Golaha Guurtida.

    Hargeysa(QNM)- Cabdikariim Axmed Mooge oo qoraal uu kaga hadlay gaabiska golaha guurtida ku baahiyey bogiisa facebook ayaa sheegay in hoos u dhac weyni ku yimid doorkii golahaasi kaga jiray dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(QNM)- Cabdikariim Axmed Mooge oo qoraal uu kaga hadlay gaabiska golaha guurtida ku baahiyey bogiisa facebook ayaa sheegay in hoos u dhac weyni ku yimid doorkii golahaasi kaga jiray dalka.

Qoraalka Cabdikariim Axmed Mooge ayaa u dhignaa sidan:-

SOMALILAND WAXAY SOOMAALIDA KALE DHEERAYD GUURTIDA, GUURTIDIINA LAAXIN BAA GALAY!
Dalkani wuxuu lahaaan jiray Guurti Samo-Talis ah, oo gogoshooda tunka ku sita oo kolba halka dhiilo laga soo sheego aan habeen ka dhixin. Waxay ahayeen gadhcasayaal naftooda u huray


siday ummadani nabad ugu wada noolaan lahayd! aan ka xuso Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Sh. Ahmed Nuux Fure, Sh. Muuse Godaad, Sul. Abdirahman, Haji Abdi Waraabe Alle haw naxariisto intooda dhimatay haji Cabdina cafimaad ayaan Alle u weydiiyay.

Waxay ahayeen guurtidii dhalisay nabaddii lagu asaasay dawladnimada Somaliland, Odayaashii iyo Guurtidii Somaliland ee sharaftaa lahaa.... hada laaxin baa galay ka dib markii siyaasi Saleebaan Gaal, gudoomiye looga dhigay! kii dhintayna inankiisii lagu badalay! halkay ka ahayd in la soo xulo oday kale oo leh sifooyinkii wanaagsanaa ee xubinta guurtida ka baxday!

Maanta midhiihii weynu haynaa oo wataa la’layahay guurti ka gurmata mashaqada Ceel-Afweyn! waxay ila tahay ama halays xilqaamo ama madaxweynaha qarankuba ha magacaabe in Guurti Qaran oo ka kooban qaybaha bulshada in loo diro Ceel-Afweyn, Guurti aan soo hoyan ilaa ay nadabada sugaan, guurti aan soo hoyan ilaa ummadda la walaaleeyo, guurti aan soo hoyan ilaa ay hubiyaan in nabaddu cago adag ku istaagto!"


Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured