Qorilugud News Media

Xukumadda Xamar Oo Amaro Culus Dhigtay Meherada Ganacsiga Magaalada Muqdisho Iyo Waxyaabaha Soo Kordhay.

0
Wednesday May 16, 2018 - 08:19:25 in Wararka by Reporter Burco
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumadda Xamar Oo Amaro Culus Dhigtay Meherada Ganacsiga Magaalada Muqdisho Iyo Waxyaabaha Soo Kordhay.

    Muqdisho(QNM)- Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(QNM)- Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay
 in maqaayadaha la furo oo cunto lagu kariyo maalinkii oo dadka ay sooman yihiin, inta lagu guda bisha Ramadaan, Dowladdaha Muslimka ayaa ayaa xalay fiidkii soo geba gebeeyay raadinta bilashada bisha Ramadaan, waxayna sheegeen in maanta oo Arbaco ah ay tahay 30-ka Shacbaan, sidoo kale wadamadan isku raaceen in maalinta Khamiista ah tahay maalinta Koowaad ee bisha Ramadaan.

Xog-hayaha guud ee Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Khayroow Xasan ayaa Maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada dalka ka jira ka codsaday in ay talaabo ka qaadaan soona qabtaan dadka cuntada u kariya kuwa aan soomin bisha barakeysan ee Ramadaan.



"Waxaan ka digeynaa in iyadoo Ramadaan ah maqaayadaha maalinkii la furo laguna kariyo cunto, waxaan maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada dalka jira ka codsaneynaa in ay la xisaabtamaan dadka falalkaas geysta, way shaqeysan karaan maqaayadaha afurka ilaa saxuurta.” ayuu yiri Xog-haye Kheyrow.


Dhinaca kale Sheekh Maxamed Khayrow Xasan Xoghayaha guud ee Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa Hay’adaha ammaanka ka dalbaday in ay ka hortagaan waxyaabaha maanka dooriya ee dalka la soo geliyo sida Qamriga iyo wixii la mid ah.

Qorilugud


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Social Media
featured